Somali

Waa (KaljarLink) CultureLink’

KaljarLink (CultureLink) waa urur dadka dejiya oo qaddiim ah isla markaasna cusub. Waxaan leenahay waayo-aragnimo ka badan labaatan sanadood xagga horumarinta iyo bixinta adeegyada dejinta dadka si loo haqab-tiro bushooyinka kala duwan baahidooda. Waxaan aad u jecelnahay in aan dadka cusub ku caawino adeeg casriyeeysan, waxaanu had iyo jeer la qabsan kara isbedellada oo aanu abuurnaa barnaamijyo cusub oo si fiican u daboolaya una xallinaya baahida gaarka ah ee macaamiisheenu leeyihiin. Kooxdayada oo ka kooban 50 shaqaale, kuna hadla in ka badan 30 luqadood, waa shaqaale u heelan, aqoona u leh hawsha ay qabanayaan, oo ka soo jeeda dhaqamo farabadan.

 

Adeeggeenu wuxuu isku xiraa dhaqamo si loo dhiso bulshoyin isasoo dhaweeya. Waxaan dadka cusub ka taakuleynaa shaqo raadinta, qoysaska cusubna fahmidda habka wax barashada, dhalinyarada cusubna xirfadaha muhiimka ah si ay u gaaraan horumar iyo ayatiin wanaagsan. Waxaan taakuleynaa dadka qaxootiga ah oo waxaan isku keennaa dadaka Kanada ku cusb iyo kuwa horey u degganaa. Wax walba oo aanu sameyno, waxaan u heelannahay in aan soo dhaweyno kaladuwanaanta iyo in aan ku xirno dadka cusub kuwii horay u deggay.